berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Dagaalkii Wasiir Shuceyb Ka Dhex Shidey Reer Gabiley Iyo Madaxtooyada Oo Istaadhmay+Odayaal Iyo Waxgarad Ka Hadlay Saamiga Gabiley
August 3, 2016 - Written by Berbera Today

Yuusuf BudleWAXA IIGA SOO BAXAY S/LAND: Runtii waxa jira 4 kooxood oo ku wada nool S/land, laakiin aan kooxna kooxda kale warba u haynin ama aan wax xiidh ahba la lahayn.

(1) Koox xukuumadda ku jirta oo maalintii 7 goor qadeeya, tan iyo maalintii ay xukuumaddu soo xero-gelisayna miisaankooda culaysku is libinlaabay, halisna ugu jira in ay qaadaan xanuunada ay buurnidu keento, sida wadno xanuunka, colostrol-sha, macaanka, iwm. Kooxdaasu waxa kale oo ay intooda badan ku caan baxeen belwadaha noocyada badan iyo dhaqanxumaddii rogtay xukuumado badan, sida tumashada, iwm. Kooxdanu waxa ay kaba indho la’yihiin in wax qaladaad ahiba dalkan ka jiraan, meel walbana waa u doog iyo haro buuxa. Waxay intooda badan ku xidhan yihiin barxada madaxtooyada, qololka hudheelada waaweyn, guryo gaar loo kiraystay oo goglan iyo Land-Crousero daaqado madoow…… Kooxdanu casumaado badan ayay fidiyaan, laakiin waa in aad cuntadana siddii wax waalan ula cunto ilaa inta indhuhu ku bararayaan, waana in aad ugu yaraan qaadka cuntaa, hadaanad wax kale ku darayn…kkkkk.

(2) Kooxda labaad waa koox cadhaysan oo 100% mucaarid ah, intooda badana u badan shaqsiyaad ama xilal hore looga qaaday ama xilal rajaynayay oo ku guuldaraystay. Kooxdani indhahoogu maba arkaan wax aan ahayn xumaan, dal dumaya, Siilaanyo oo ula ekaaday Siyaad Barre, Muuse Biixi oo ula ekaaday Morgan, iwm. Kooxdanu intooda badani waa rag siyaasada hore ugu soo jiray, cadho aad u weyna qaba, aargoosina ku dhaarsan. Balwadahoodu ma yara laakiin jeebkooda oo aan fiicnayn awgeed, maalina way seexdaan maalina mafrajka iyo maqaaxiyahay fadhiyaan….. Kooxdanu waa kooxda ugu shaxaadka badan…..kkkkkk

(3) Kooxda saddexaad waa koox ku dawakhtay siyaasadaha dalka ka socda, mucaarid iyo muxaafidba, dhegahana ka furaystay dhacdooyinka maanta jira. Kooxdan marka aad la kulanto waxa la moodaa in ay soogaleeti yihiin oo war-hayntoodu ma badna. Intooda badan waxay u badan yihiin dad aqoon maadi ah oo fiican leh, qaarkood badana la soo shaqeeyeen xukuumadihii hore, laakiin hadda si fiican uga dhacay siyaasada dalka iyo xataa aqoonta dadka ay ku dhex nool yihiin. Kooxdan intooda badan waa keli socod aan kooxkoox u fadhiisan. Qaarkood badan waxa uu xidhiidhkoodu ku kooban yahay qoyskooda hoose iyo raaska ay kasoo jeedaan oo keliya. Kooxdan intooda badan jeebkoodu ma madhna oo ama ciyaalkoodii ayaa u koray oo masruufa ama hanti ay hore u dhaqdeen ayay masruufsadaan. Kooxdan intooda badan waxna ma bixiyaan, waxna ma shaxaadaan……

(4) Kooxda afraad ee ugu dambaysaa waa: Koox Ganacsato ah, qaarkood badanina ay dabada ku hayaan xidhiidh ganacsi, saaxiibtinimo, koox-is-aaminaad diimeed. Kooxdan intooda badan waa hantiilayaal jeebkoodu buuxo, intooda badan waxay ku jiraan ganacsiyo shuraako ah oo khadqaboow ah. Kooxdan kuwooda wadaadada ah iyo kuwooda kaleba, intooda badan waxa ay leeyihiin laba xaas iyo in ka badan. Waxa ay aad u aaminsan yihiin dhalmada badan, gaar ahaan in wiilal badan la dhalo. Da’doodu waxay u badan tahay 30 jir ilaa 55 jir. Kooxdan waxa ay si weyn ugu xidhan yihiin xukuumad iyo mucaaridba, intooda taladu ka go’do (madaxda ugu saraysa oo keliya).
Kooxdan waxna way casumaan, waanad casumi kartaa…..laakiin waa in aad wax dan ah (interest) ka wada hadlaysaan….haddii kale wakhtigoodu waa cidhiidhi.

Intaas marka laga yimaado waxa iyaguna jira kooxo aan ugu yeedhi karo ” Cusbada Somaliland”. Kooxdan intooda badan waa qurbojoog raaci kari waayay ama la qabsan kari waayay 4ta kooxood ee dalku u qaybsamay. Intooda badan waxa ay dalka yimaadaan iyaga oo lacag yar sita, fikir badana wada, laakiin muddo gaaban gudahood lacagtiina way ka dhamaataa, fikirkoodiina waa ka qasqasmaa… kadibna waxa ay kolba la saftaan koox ayna aad isku aqoon, muddo gaaban gudaheedna waa lasoo kala boodaa. Kooxdan cusbada ah marka ay dalka ku cusub yihiin aadbay u gacan furan yihiin, iyagaana wax casuma, laakiin muddo yar kadib waxa ay ku biiraan qaybta wax shaxaada. Kooxdan bilaha hore waa dad aad u farxad badan, laakiin mudooyinka dambe waxa ay noqdaan neerfis aad u cadho iyo dagaal badan.

Ugu dambayn, waxa jira Aabo Siilaanyo… oo isagu dalka wax ka socdaba aan warba hayn……. iyo koox yar oo ka ilaalisa in uu ogaado waxa dalka ka socda.

 

 

 

Qalinkii Yusuf Budle

Guul iyo Gobonimo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews