berberatoday.com
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi (Usaama,Wasiir aan la Mahadin) Qalinkii :Samiir Baryahan
August 4, 2016 - Written by Berbera Today
Usaama,Wasiir aan la Mahadin!!!!! Qalinkii :Samiir Baryahan danbe waxaa jira Walaac iyo Cabsi xoogan taasi oo meesha ka saaraysa axdi beeleedkii 1991kii ee Somaliland u bedelatay axdi qarameedka. Sanadihii u dambaysay maalinba maalinta kasii dambaysa dhibaatada musuqmaasuqu Somaliland waxay u muuqatay mid u sii durkaysa dhanka Halista iyo musuq maasuqa taasi oo awal wadanku uga midaysnaa magac iyo mabda’.
IMG_DCA095-420D3C-450613-3C2DD6-5B6F20-02EEA1
Hadaba Xatooyada, khiayaamada, Eexda, qabyaalada, sedbursiga iyo isku garab siinta Cadaalad daradu waxay noqdeen astaamaha lag xasuusan doono xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo”.
Waxaa mudo dheer dib uga curatay Somaliland isbahaysiga ku isiran qabiilka, kaasoo lagu lunsaday boqolaal milyan oo doller oo isugu jira deeqaha shisheeyaha iyo cashuuraha laga qaado dadka danyarta ah iyo ganacsatada Somaliland. Waxaa iyaguna soo baxay kana mid noqday dadka ugu magaca dheer maanta shakhsiyaad tiro badan oo dhamaan magac iyo hayb ahaanba ku aroora madaxweyne siilaanyo, kuwaasi oo ugu horeeyo wasiirka
 
Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland , Mohamuud Xaashi Cabdi ( Usaama ) kaasi oo goob joog ka ah heshiis kasta iyo ilo-dhaqaale oo kasta, hadaba tan iyo intii uu madaxwaynuhu samaynayay isku shaandhaynta wasiiradiisa oo ku dhawaad dhawr jeer ahayd Maxamuud Xaashi wuxuu ka mid ahaa wasiirada lama taabtaanka ah ee aan marna la badalin tan iyo intii xukuumada Kulmiye ifka timid, sidoo kale wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu ka mid ahaa wasiirada ugu tunka wayn xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, taasi oo u saamaxday inuu tunka u rito wasaaradihii ugu maaliyada badnaa wadanka sida Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo uu hore wasiir uga ahaa ,
 
iyo hadda oo uu gacanta ku hayo Wasaaradda Madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland , wallow marar badan madaxwaynaha loo soo jeediyay inuu ka takhuluso ninkan awooda badan leh hadana marna muu aqbalin madaxwaynuhu talo soo jeedintaasi, hadaba miyaynaan odhan karayn, Maxamuud Xaashi oo isagu ahaa kii lagu soo eedeeyay Musuq Musuqmaasugii ka dhacay Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee uu ku lunsaday lacagta boqolaalka kun ee dollar ah mid aan waxba laga qaban laakin uu ku sii dalacayba, hadana Maxamuud Hashi ( Usaama ) oo isagu ku caana Dardar gelinta musuqmaasuqa iyo qabyaaladu waxay noqdeen laba mataano ah halka masuul kasta oo ka damqada habka qalafsan iyo foolxumada wax u socdaan ee fikirkiisa saliimka ah ka dhiibta laga takhaluso xilkii uu hayey taasi oo uu fajida u soo dhigo wasiirka awooda badan ee Madaxtooyadu, taasi waxaa kuu cadaynaysa in rag badan oo dalkan iyo dadkan wax u tari lahaa uu isagu karkaarka waydaariyay markuu ka dhex arki waayay danihiisa,
 
inkasta oo wasiirkii uga horeeyay madaxtooyada mudane Xirsi Xaji Cali Xassan uu dhisay oo uu wax badan ka badalay nidaamka madaxtooyada hadana tan iyo maalintii uu xilka Wasiirka madaxtooyada la wareegay Maxamuud Xaashi Waxaa burburay axdi kasta iyo wacadkii Madaxweyne siilaanyo hore ula galay xulufooyinkii ka dambeeyey guushiisa, rag badan oo ay wax badan soo wada qaateena maanta dhamaantood fiinta ayaa kala dhex miranaysa. Sidoo kale durtaba Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu bilaabay wixii lagu yaqaanay oo durtaba Waxaa luntay kala dambayntii iyo Nidaamkii uu soo dhisay wasiirkii ka horeeyay ee mudada badan sinaanta iyo Cadaalada ku dadaalayay,
taasin oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wixii uu qabtay wasiirkii ka horeeyay halka uu ka sii wadi lahaa halka uu soo gaadhsiiyay uun.
 
Hadii aan dhanka siyaasada iyo mabaadiida uu aamin san yahay yara dul istaagnana Wasiir Xaashi waxa uu kow ka yahay shakhsiyaadka taabacsan garabka Bidix ee ay hogaamiso Marwada Madaxweynuhu Aamina weris,
 
waana lafdhabarta garabka Weris shukaanta u hayso. Maxamuud Xaashi waa shakhsi ku caanbaxay xeelada siyaasadeed ee dhanka kala qoqobka bulshada, danta isaguu leeyahayna waa shakhsi wax kasta u sameeya sidii ay tiisu ugu hirgeli lahayd. Run ahaan dhanka saaxada siyaasada Wasiir Xaashi waxaa dibada uga saaray siyaasada gabi ahaanteedba Alle haw naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,
 
xiligaaso Wasiir Xaashi kamid ahaa Barlamaankii u horeeyey ee Somaliland islamarkaasina kamid ahaa shakhsiyaadkii ku ololayn jiray Qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada Somaliland, xiligaasi waxa kale oo uu Maxamuud xaashi kamid ahaa Urur diineedkii Itixaad oo isaga iyo rag kale oo hayb wadaag ahaayeen marar badan isku dayeen fulinta falal amaandaro oo ka dhan ahaa xukuumadii Cigaal, waana markii Madaxweyne Marxuum Cigaal dalka dibada uga saaray kuna eedeeyey inuu u adeegayo ururka Xag jirka ah ee Alqaacida.
 
Geeridii Madaxweyne Cigaal Alle haw naxariistii waxay dabadeed fursad siisay Maxamuud Xaashi inuu mar labaad saaxada siyaasada ku soo laabto, ayna u suurtagasho maanta Maxamuud Xaashi inuu noqdo wasiir aan dhicin iyo Milyaneer ku macaashay Musuqmaasuq iyo xigtaysiga qabyaalada, isku soo wada duuboo musuq maasuqa uu ku caan baxay wasiirka madaxtooyada mudane xaashi waa mid aynaan ku soo koobi karayn qoraal iyo laba toona, waxaana tusaa
 
 
Qalinki Samiir hasan Abdi 0633717171 0634157974

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews