berberatoday.com
Dhakhaatiirka Ciidanka Milateriga Somaliland oo Guul iyo Sumcad Ka Soo Hooyey Jaamacadda Milateriga ee Dalka Itoobiya.
August 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

DhkhaatiirSomalilandMilatari1

Ciimadan dhakhaatiirta ah oo iskugu jira dhakhaatiir ka qalin jabisay shahaadadda koowaad iyo shahaadadda labaad oo mudo wax ka baranayey jaamacadda milateriga ee dalka itoobiya ,ayaa waxay guulo waaweyn iyo sumcad badan u soo jiideen ciidamadda qaranka Somaliland iyo guud ahaan Somaliland, waxayna kaalinta kowaad u qaadeen kuliyadda caafimaadka dhakhaatiirta ee jaamacadda milateriga (Defense University) ee dalka itoobiya ,jaamacadan ayaa ah jamacad weyn oo ay wax ka bartaan arday badan oo ka kala socda wadamada geeska afrika ,iyadoo dal kasta oo ku dadaalo in ay ardaydiisu kaalinta kowaad ay gasho balse ardayda reer Somaliland ee ka socday ciidamadda milateriga Somaliland ayaa waxay ka galeen kaalinta kowaad,waxayna Somaliland dhakhaatiirtani u soo hooyeen guul iyo sumcad weyn oo ay ku kasbadeen dadaalkii badnaa ee ay u galeen inay galaan kaalinta kowaad,waxa akhriste muhiim ah in la xuso in taliyaha guud ee ciidmada milateriga Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale in uu horumar weyn oo la taaban karo ku sameeyey qaybaha kala duwan ee ciidmada milateriga,dhakhaatiirtanina waxay ka mid tahay horumarka balaadhan ee uu horseedka ka yahay taliyaha guud ee ciimadda milateriga Somaliland,waxaanu taliyaha guud ee ciimadda qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Muxumed Cismaan Shaqale uu ku amaanan yahay isagoo xilalna u magacaabay qaar ka mid ah dhakahatiirtan wax u soo baratay dalkooda,akhriste waxaynu ka xusi karnaa dhakhaatiirta xilalka loo magacaabay Dr Axmed Shaadi oo ahaa dhakharkii ugu sareeyey kuliyadda caafimaadka waxa loo magacaabay Hogaanka Guud ee Caafimaadka Ciimadda Milateriga,halka Dr Asad loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Milateriga,waxana hubaal ah in ayaamo yar kadib ay isbedel weyn oo horumar la taaban karo ah ka sameeyeen cusbitaalka guud ee ciidamadda milateriga Somaliland,sidaasi awgeed waa in shacab iyo xukuumadba lagu bogaadiya shaqada wanaagsan ee uu qaranka u hayo Taliyaha Guud ee milaterigu.
Todobaadkan ayaa xaflad weyn oo si heer sare ah loo soo agaasimay loo qabtay dhakhaatiirtan,waxana ka soo qayb galeen madax tiro badan oo ka kala socday wadamadda geeska afrika, hadaba waxa xusid mudneyd in ardayda reer Somaliland ee ka qalin jabisay jaamacadda ay si khaas ah u heleen maamuus gooni ah oo heer sare ah,iyadoo xafladaasi uu ardayda ku wehelinayey safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leedahay Itoobiya Mr Ayaanle Salaad Diiriye,waxa had iyo goor loo xusayey magaca Somaliland iyo kaalinta sare ee ay ka galeen jaaamcadda,waxay ahayd guul weyn iyo sumcad balaadhan oo dhakhaatiirtani ay u soo hooyeen ,waxayna tusaale wanaagsan u yihiin dhamaan ardayda kala duwan ee wax ka barta jaamacaddaha dalka dibadiisa inay ku daydaan arydaydan milateriga oo ay ka fikiraan sidii ay dalkooda iyo dadkoodaba ay sumcad iyo guul ugu soo hoyn lahaayeen,dhakhaatriitan qalin jabisay ayaa waxay ka mid yihiin saraakiisha caafimaadka ee ciidamadda qaranka ,waxanan xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) waa inay garab istaagtaa shaqada muhiimka ah ee dhakhaatiirtani qaranka u hayaan ,waana in lagu hambalyeeyaa horumarka balaadhan ee ay ka sameeyeen cusbitaalka ciidamada qaranka oo ay dib u habeyn balaadhan ay ku sameeyeen isla markaana ay tayadiisa ay sare u qaadeen,sidoo kalena waxa la rajeynayaa inay sii horumariyaan cusbitaalka ciimadda milateriga qaranka Somaliland.
Dhakhaatiirtan ciidanka miletriga ah ayaa waxay dabooli doonaan baahi weyn oo dhinaca caafimaadka ah waxayna horseed ka noqonayaan dhakhaatiirta daryeeli doonta ciidmada miletrigaSomaliland waxayna siin doonaan wacyi gelin badan oo ku saabsan dhinaca caafimaadka sidoo kale waxay ka qayb qaadan doonaan daweynta xaasaska ciimadda qaranka Somaliland oo daryeel iyo tayey caafimaad ay ka sameyn doonaan,tababarada caafimaadka ee ciidamada qaranka ayey sare u qaadi doonaan, magacyadda dhakhaatiirta caafimaadka ee qalin jabisay Dr Axmed Shaadi Cabdilaahi,Dr Mukhtar Maxamed Jama,Dr Asad Abdi Axmed,Dr Galas Hamud Hirsi,Dr Farxaan Nuur iyo Dr Axmed Suleyman.
Maaha markii ugu horeeysay ee dhakhaatiirta miletiga ee Somaliland ay guul ka soo hooyaan jaamacadda mileteriga ee dalka Itoobiya,waana dufcadii labaad ee ka tirsan dhakhaatiirta ee kaalinta kowaad ka gasha jaamacadan,sanadkii hore ay ahayd markii ay qaadeen biladda jaamacadda dhakhaatiirta reer Somaliland,inta badan ardayda kala duwan ee wax ka barata jaamacaddaha dalka itoobiya ayaa waxay guul iyo sumcad ku soo hooyaan dalka iyo dadka Somaliland,waana horumar weyn oo u soo kordhay Somaliland,akhriste maqaalkan waxa igu kalifay in aan qoro aniga oo ka mid ahaa dadkii lagu casumay xafladda oo u soo taagnaa guusha ay gaadheen iyo sida gaar ka ah ee loo maamuusay ayaan kala masuugi waayey inaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga diro dhamaan dhakhaatiirta ciidanka mileteriga ee guusha soo hooyey,sidoo kale waxaan jecleystay in aan umadda Somaliland la wadaago oo aan u soo bandhigo guushii iyo sumcadii ay umadda u soo hooyeen dhakhaatiirta mileteriga Somaliland,runtii anigu dhakhaatiiran waxaan ku hubaa karti,aqoon iyo daacadnimo badan, sidoo kale waxaan door biday in aan wixii talo ah ee lagu horumarin karo dhakhaatiirta isla markaana lagu dhiirin karo u soo jeediyo xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay hogaamiyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).
Dr: Cabdillahi Yuusuf Meheriye
Postgraduate Psychiatrist Follow
University Of Gonder
Email:Ameheriye@gmail.com
Addis Ababa, Ethiopia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews