berberatoday.com
Wasiiro Uu Hogaaminayo Wiilka Uu Madaxweyne Siilanyo Sodog Uyahay Oo Golaha wakiilada Horgeeyay Heeshiiskii Hordhaca Ahaa Ee Shirkada DP World Iyo Fadeexad Ay Kala Kulmeen Golaha
August 6, 2016 - Written by Berbera Today

golaha-wakiiladaHargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirada Madaxtooyada, Arimaha Debeda, Maaliyada Iyo Qorsheynta Qaranka Somaliland oo uu hogaaminayo Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan ayaa saaka golaha wakiilada Horgeeyay Heeshiis sharciyada dalka baal marsan oo hordhac ah kana mabnuuca in Golayaasha qaranka la horgeeyo maadama oo aanu ahayn heshiis rasmiya oo uu yahay mid  hordhac ah.

Heshiiskan oo ahaa ku xukumada Madaxweyne Siilanyo ee wakhtigeedu sii dhacayaa ku wareejin lahayd Dekeda caalamiga ah ee Berbera ayaa waxa markii la horgeeyay Golaha ka hor akhriyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro oo ku dhawaaqay islamarkiiba in heshiiskani yahay mid hordhac ah oo aan ku haboonayn in golaha la horkeeno sharciyadana uu bal marsan yahay golaha wakiiladana la horkeeni karo oo kaliya heshiis rasmiya oo xukumadu la gashay shirkad ama dal kaas oo ay tahay ina waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan Mudanayaasha golaha wakiiladu.

Wasiirada Arimaha Debeda Dr Sacad Cali Shire iyo Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo iyaguna hadal ujeediyay Golaha wakiilada ayaa qiray in heshiioskaasu yahay mid hordhac ah sidaasna au usoo gudbiyeen lagana rabo golaha wakiilada ina waajibaadkooda ka gutaan heshiiskaa sharciyada baalmarsan awoodana ay uleeyihiin inay celiyaan maadama oo aanu sharci ahayn.

wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee Baashe morgan oo iyagu dabada ka riixaaya heshiiskan ayaa ku dhiiran waayay in madashaas ka hadlaan maadama oo heshiiskani yahay mid hordhac ah oo sharcxiyada dalka utaala baalmarsan.

 

Mudayaasha Golaha Wakiilada Intooda badan ayaa iyaguna heshiiskan hordhaca ah ka biyo diiday akhriskiisa iyaga oo markii gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ku dhawaaqay inuu heshiisku yahay hordhac isla oogsaday qeylo iyo sawaxan ay ku diidan yihiin in heshiis hordhaca golaha la horkeeno.

Sidoo kale waxa maanta Golaha Wakiilada aad looga hadal hayay oo lala yaabanaa sababta uu Golaha udhex yimi Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodog uyahay ee wakiilaka imiraatka carabta ah maadama oo aanay shaqadani tiisii ahayn balse uu isagu hogaaminaaya wasiiradii shaqada lahaa isaga oo adeegsanaya awooda Madaxweynaha uu xididka layahay.

Heshiiskan hordhaca ah ayaa maanta loo qeybiyay Golaha wakiilada iyaga oo soo akhrisan doona 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews