berberatoday.com
Muxuu Daranaa Kulan Xalay Qasriga Madaxtooyada Somaliland Uga Qabsoomay Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Oo La Sheegay In Madaxwaynuhu Gogoshiisa Dhigay?
August 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday,com)-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa xalay kulan balaadhan ku qaabiley qasriga madaxtooyada Somaliland madaxda xisbiyada qaranka ee Somaliland iyo komishanka.

Kulankan oo lagaga arinsanayay xaalado la sheegay inay kasoo cusboonaadeen gobolka sool oo la filayay inay diiwaangalinta codbixiyayaashu todobaadka danbe si rasmi ah uga bilaabmato.

Ilo wareedyo u dhuun daloolay kulankan xalay ka qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland ee madaxtooyadu gogoshiisa lahayd ayaa la sheegay in lagu faaqiday duruufo madaxtooyadu sheegtay inay kasoo cusboonaadeen gobolka sool oo la xidhiidha dhinaca nabad-galiyada iyo siyaasadda oo loo baahan yahay in indho gaara daneeyayaasha doorashooyinku ugu yeeshaan, iyada oo madaxtooyadu soo qadintay qorshe muddo kooban dib loogu dhigo diiwaangalintaasi ilaa laga xalinayo duruufahaasi yar yar taasi oo aan la ogayn go’aanka ay iskula qaateen dhinacyadii shirkani fadhiyay.

Ilo wareedyo wargeyska Foore ka helay kulankaasi ayaa tibaaxay in aanay dhinacyada shirkani fadhiyay si rasmi ah iskula qaadan talo soo jeedinta xukuumadda ee ah in dib loo yara dhigo muddo kooban diiwaangalinta gobolka sool,si xalal kama dambays ah loogu helo dhawr qaddiyadood oo kasoo kordhay gobolka sool oo ay kamid yihiin wada hadalada xukuumaddu la furtay kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo ee deegaanadaasi rabshadaha ka waday.

Dareen amniga la xidhiidha oo ay xukuumaddu ka heshay in ay gobolkaasi ka taagan yihiin iyo qorshayaal diiwaangalintaasi ka dhan ah oo cadawga Somaliland maleegayo .

Dhinaca kale xogaha qaar ayaa sheegaya in kulankaasi madaxtooyadu kusoo bandhigtay qorshe la xidhiidha doorashooyinka inagu soo aadan sanadka danbe iyo qorshe ay xukuumaddu ku doonayso in labadaasi doorasho la kala qaado,iyada oo ay wali laalan tahay xaalada lagu qaban karo doorashada golaha wakiilada Somaliland oo saami qaybsiga kuraasta golaha muran badani ka taagan yahay gobolada qaarna qaadaceen inay nidaamkii hore ku galaan,lamanase oga dooda dhinacyada kulankan ka qayb galay siday u dhacday.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews