berberatoday.com
“Goluhu muu Ansixin Heshiiskii ee wuxuu ansixiyey Nuxurkii iyo Codsigii lagu Dalbanayey in Shirkada DP World Heshiis lala gali karo” Wasiir Dayr
August 10, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“Heshiis dhamaystirsan lama hor keenin oo looma gudbin Golaha Wakiilada,Wasiiradduna waa kuwii hore u sheegay ee Golaha ka hor caddeeyey, Goluhuna muu ansixin heshiiskii ee wuxuu ansixiyey “. Wasiirka ganacsiga Xuseen Dayr.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa ka hadlay sababta keentay in Wasiiro kale oo aan qaabilsanayn hawlaha Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ay gacanta ku dhigaan heshiiska dekeda Berbera.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan go,aanka ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen heshiiska dekeda, waxaanu tilmaamay in maal gashiga Dekedu faa,iido u leeyahay bulshada somaliland waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo  ugu hambalyeynayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ansixinta ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen  codsigii ay Xukuumaddu u soo gudbisay ee la xidhiidhay inay heshiis la gali karto shirkada laga leeyahay wadanka Imaaraadka ee DP World,heshiiskaas oo micnihiisu ahaa in Dekadda la balaadhiyo  oo dib u habayn lagu sameeyo  waana guul u soo hooyatay Qaranka Somaliland, Xukuumad ahaana waxaanu dhiirigalinaynaa cid walba oo danaynaysa inay Somaliland maalgashato, waxaanu  diyaar u nahay inay Somaliland hesho maalgashi caalamiya, shuruudihii maalgashiga lagu sameeynayeyna way inoo dhan yihiin, Golaha Wakiiladuna waxay sameeyeen dhacdo taariikhiya, 69-muddane ayaa gacanta u taagay isla markaana ogolaaday in Shirkada DP World ay maalgashato Dekaddeena Berbera.”
Wasiir Xuseen Deyr oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “maalgashiga dekedu waxa uu wax badann ka tari doonaa dhaqaalaha dalka, horu marka, waddooyinka, tamarta, shaqooyinka iyo arimo aad u badan kuwaas oo lagu faani doono, heshiiskana waa fursadii maalgashi ee ugu muhiim sanayd ee ina soo marta rubuc qarnigaa aynu jirnay, waxaan u hambalyeynayaa xubnihii sida hagar la,aanta uga shaqeeyey inay baarlamaanka horgeeyaan, baarlamaankuna waxa uu gartay waajibaadkiisii dastuuriga ahaa, waanay ansixiyeen inay heshiiskaas dawladu soomaaliland gali karto.”
Wasiirka ganacsiga oo ka jawaabayay su,aal  aanu ka waydiisay sababta keentay in wasiiro aan lahayn hawsha heshiisku galaan ayaa waxa uu ku jawaabay “Anigu run ahaantii ma odhan karo kumaan jirin oo Dastuuriyan ayaan uga mid ahay Guddida, Wasaaraddayduna waa Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, hawshana cid ayuun baa wada, Madaxweynuhuna Guddidii uu u  magacaabay waan ku jiray, sidaas daraadeed kooxda  ciduunbaa goolka dhalisa, cidina wey soo dhigtaa markaas ma filayo in wax weyn laga raadin karo, waxaan maqlayey Wasiirkii Ganacsigu kumuu jirin, Wasiirkii Ganacsiga waa laga reebay, hadaladaasi waa hadalo daacayad ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, Wasiiraddu iyaga ayaa hawsha badankeeda qabtay, waanan ku hambalyeynayaa,  Guddida aan ka mid ka ahaa ayaa guusha Qaranka u soo hooyey, Madaxweynaha ayaana magacaabay waxaanay u xilsaarnaayeen in Shirkada DP World lala galo wada xaajood, markaas waan ugu hambalyeynayaa saaxiibaday guushaas ay soo hooyeen, Xukuumad ahaana waanu mid aad ugu faanayno”.
Wasiirka Xuseen Deyr oo ka hadlaya sababta wasiirul dawlaha madaxtooyadu u saxeexay heshiiskan ayaa waxa uu yidhi “Dekadda Berbera waxay hoos timaada oo si dadban u xukunta  Wasaaradda Madaxtooyada, Wasiiru Dawluhuna waa Wasiir qaran oo ka tirsan Wasaaradda Madaxtooyada, markaas xaq buu u leeyahay inuu isagu saxeexo oo isaga iyo Wasiir Maxamuud Xaashi inay saxeexaan cid u diidi karaysaa ma jirto”.
Sidoo kale wasiir Xuseen Deyr oo ka hadlaya xubnaha maamulaya Dekeda oo lagaga batay soomaaliland ayaa waxa uu yidhi “Haddii xubnaha boodhka ee Shirkadu ay inaga bataan, maaha inay dhibaato iyo caqabad ku tahay Somaliland iyo waliba shaqaalaha Dekadda, waxaana xusid mudan in mudadii aan la galin hawsha shirkada inay n Xukuumaddu ay ka sii baaraan degtay  aadna uga fiirsatay, Wax Shaqaale  dhimis ah oo la samaynayaa  ma jiraan, inay wax inoo kordhaan mooye, waxaana dhab ah inay Xukuumadda mar walba heegan u tahay inay daryeesho oo ilaaliso xuquuqda dadkeeda, markaas cid shaqada laga eryayaa ma jirto ee dadka yaan loo sheegin been xaqiiqada ka fog”.
Wasiir Xuseen Deyr ayaa waxa uu sheegay inaan golaha wakiilada loo gudbin heshiis dhamaystiran waxaanu yidhi “Heshiis dhamaystirsan lama hor keenin oo looma gudbin Golaha Wakiilada,Wasiiradduna waa kuwii hore u sheegay ee Golaha ka hor caddeeyey, Goluhuna muu ansixin heshiiskii ee wuxuu ansixiyey nuxurkii iyo codsigii lagu dalbanayey in Shirkada DP World heshiis lala gali karo, waxayna Xukuumaddu raacday nidaamkii saxda ahaa”. Ayuu yidhi Xuseen Deyr.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews