berberatoday.com
Wax Ka Baro Nolosha Eeyda W/Q : Naasir Meecaad
August 12, 2016 - Written by Berbera Today

Aadamigu goor hore ayuu bilaabay inuu dhaqdo Eyda si uu u adeegsado.Muddada ay Eeyadu saaxiibka la ahaayeen dadka waxaa lagu qiyaasaa inay gaadhsiisan tahay 12.000 oo sanno.Tan iyo xiligaas ayuu aadamigu hawlo kale duwan ku qabsanayay Eeyada.

naasir
Haddaanu faallo ka bixino bulsha-weynta Reer Eeyda,Waa ummad ka mid ah bahweynta laf-dhabarlayda(vertebrates)kuwooda hawada ku neefsada ee naaslayda ah(mamals).
Bahda Eeyada waxaa la isku yidhaa(canis familiaris)waxay ab iyo isir wadaagaan Beelaha ay ka midka yihiin Libaaxyada,Shabeellada,Dhurwaayada,Yeyda,Dacawooyinka,Harama-cadaha iyo Bisadaha.Dhamaantood waxaa Raashin u ah oo ay cunaan Hilibka.

Waxaa lagu Qiyaasaa Tiro 400 oo Milyan oo Eey ah inay dunida ku nool yihiin.Eeyadu waxay ka mid yihiin bahallaha Dabjoogta ah(dad la noolayaal)waxaanay u nool yihiin Qoys ahaan ayay iskula Socdaan.isla markaa waddar ahaan ayey u ugaadhsadaan.Eeydu,sida bahallada ayay isir wadaagaan,jirkoodu wuxuu leeyahay xubno ku haboon ugaadhsashada iyo Hilib cunidda.
waxay leeyihiin Daaman ay ku yaalliin Muruqyo adag iyo gowso ballaadhan oo ay hilbaha ku goostaan kuna calaliyaan.Waxa kaloo ay leeyihiin ciddiyo wax muda iyo addimo muruqyo adag oo ay ku xajistaan ugaadha ay gacanta ku dhigaan(Ray cooinger.understanding of corine origin,Behaviar and Evalution 2001.p.352.new york-USA).
Hannaanka dareensidaha oo Eeyadu ay leeyihiin xubnaha ugu xooggan waxay yihiin dareenka Maqalka iyo dareenka Urta.Waxaa kaloo ay leeyihiin hannaan dheef-shiid oo ku haboon shaqada looga baahan yahay gudaha jidhka ee looga faa,iidaysanayo hilbahan Qaydhiinka ah iyo wasakhda badan ee la socota raashinka ay Eeyadu cunaan.
Dareenka urinta ee Eeyadu wuxuu yahay mid leh awood sare.Waxay dareenka urta ku kala soocaan.Waxaa ka mid ah qoyaan ku jira gudaha korka Aadamiga iyo gudaha jidhka bahallada sida dhididka,Dhiigga iyo dheecaanada kale oo jidhku ku shaqeeyo.
sidaas si la mid ah ayay waxay u kala soocaan ciidda kala duwan,dhirta kala duwan iyo walxaha kiimikada ah oo milankodu uu ka duwan yahay,Eeyadu markii ay ursadaan walxaha hortooda yaala ayay waxay markaaba gartaan waxa ay tahay walaxdaasi,sidaas darteed ayaana loogu adeegsadaa amniga madaarada iyo meelo kale oo badan.
Markaa waa in la daryeelaa Eeyada inala nool ee dhexdeena ku tac daraysan
W/Q:C/NAASIR GURAY MEECAAD.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews