berberatoday.com
Sir La Helay”Cabdiraxmaan Boore Oo Soo Bixiyay Labadii Milyan Ee Golaha Wakiilada Loo Qeybiyay Si ay U Ansixyaan Kireynta Dekeda Berbera Iyo Saami Uu Ku Leeyahay Shirkada DP World
September 3, 2016 - Written by Berbera Today

booreHargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiraxmaan Boore ah ganacsade udhashay dalka Jabuuti oo falaago kaga maqan islamarkaana dacwad adagi udhaxayso Madaxweynaha Jabuuti ee aan dhicin ayaa waxa la ogaaday in uu saami aan la cayimin ku leeyahay shirkada DP World ee Dekeda Berbera la wareegaysa sidoo kale waxa uu saami kale ku yeelan doonaa hadiiba uu hirgalo qorshaha ay shirkadaasi kula wareegayso dekeda Berbera, Waxaanu ganacsade Cabdiraxmaan Boore uu soo bixyay oo la ogaaday lacagtii dhawaan lagu khasifay Golaha Wakiilada ee lagaga ansixiyay mooshinkii Dekeda Berbera lagaga Kireynaayay shirkada DP World lacagta uu Cabdiraxmaan Boore soo bixiyay oo ahayd laba Milyan oo dollar ayaa waxa xildhibaan kasta oo kamida golaha wakiilada la siiyay lacag dhan(15000$) shan iyo toban kun oo dollar halka Labada Gudoomiye kuxigeen ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Cade iyo Cali Yuusuf na Lasiiyay midkiiba(100.000$)boqol Kun oo doollar sidoo kale xogta rasmiga ah ee aanu helay waxa ay sheegaysaa in Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro lasiiyay lacag dhan(300.000$)Sedax boqol oo kun oo doollar si uu mooshinkaas umeel mariyo. waxaana lacagtan dhamaanteed lagu soo shubay oo qeybinaayay wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, sidoo kale waxa uu gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro hore uga qaatay shirkada DP World lacag lagu sheegay hal miyan oo dollar mar uu kulan kula qaatay Dalka isutaga imiraatka carabta gaar ahaan magaalada Dubai iasaga oo Gudoomiye Ciro mar ay warbaahintu wax ka weydiisay sheegay in uu shirkada DP World kula kulmay Dubai isaga oo golaha wakiilada matalaayay balse aanu faahfaahin dheeraada oo kale ka bixin kulankaas.

Waxa aan iyagu waxba qaadanin Xildhibaanadii iyagu gacan utaagay in aan Dekeda laga kireynin shirkadaas DP World iyo kuwii iskaga baxay mooshinkaas markii gacanta loo taagaayay.

Ina Boore

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews