berberatoday.com
Wadaaddo Reer Gaalkacayo Ah Oo Qarnigii 14aad Ee Hijriga Isku Haysta Qiblada Ay Dadweynaha Magaaladu U Tukanayaan
September 5, 2016 - Written by Berbera Today

salaad2Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Magaalada Gaalkacayo ayaa salaadaha loo tukanayaa laba Qiblo oo kala duwan kadib markii uu khilaaf xoogani soo kala dhex galay Cullimada Deegaankaas.

Khilaafka Cullimada oo salka ku haya Dhinaca Diinta, ayaa waxaa la sheegay inuu kala qaybiyay dadkii magaaladaasi ku noolaa, arrintaasi oo markii dambe gaadhay in shacab  isku Masaajid ku tukanayaa laba Qiblo u kala jeedsadaan.

Qaarka mid ah Cullimada Diinta ee Magaalada Gaalkacayo, gaar ahaan Daanta Maamul-Gobolleedka Gal-Mudug oo maalintii Sabtida Kulan iskugu yimid, ayaa sheegay in khilaafkaasi ay wadaan niman cullimo ah oo dadka luminaya, waxaanay shacabka ugu  baaqeen inaanay raacin dadkaasi ee ay u tukadaan Qiblada Saxda ah.

“Waxaan ugu baaqayaa Ummada Islaamka ah ee Reer Gaalacayo inay Joogaan Qibladii  (Saxda ahayd) oo ay ku tukadaan kuna sugnaadaan, dadka ay la fiicnaatay barnaamijka Handisadda waxaanu leenahay ilaahay u Toobad keena, kana noqda arrinkaasi oo ummada ha ku wareerinina” ayuu yidhi Sheekh ka Mida Culimada iskugu timid Magaalada Gaalkacayo ee Qadiyaddan xalkeeda raadinayey, waxaanu intaasi ku daray, “Culimadu waxay diyaar u yihiin Cid kasta oo ay arrintaasi kala hadli karaan, si shareecada islaamka waafaqsan.”

Magaalada Gaalkacayo ee arrintani ka bilaabantay waxaa ay ku taalaa Badhtamaha Dalka Soomaaliya, waxaana ka taliya laba maamul oo kala duwan kuwaasi oo kala ah Puntland oo maamusha xaga waqooyi Galbeed  iyo Gal-Mudug oo maamusha Koonfur-Bari.

Dadka magaaladaasi ku nooli waxaa la sheegaa inaan la isku soo xad gudbin oo ciiddamo ilaalo ahi ku sugan yihiin xadka kala qaybiya Magaalada, magaalada waxaa inta badan ka dhaca khilaafyo kala duwan oo dhinaca qabiilada ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews