berberatoday.com
Xajka Xoolo Dadweyne Ma Lagu Tagi Karaa ? Su’aal Muhiim Ah. Faalo Berberatoday.com Staff Writer
September 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com) Xajku waa Tiir kamida 5 tiir ee diinteena suuban ee islaamka , xajku waa waajib alle laynoona jideeyay inaan soo gudano nolosheena halmar hadii aan karno .

Hadaba xajka baryahan danbe waxaa layska indho tirayaa goormaad soo xaji kartaa? xoolo nooceeyaad ku soo xajeysaa siduu kuugu ansaxo xajkaagu?

iyo ma tahay qof daahira oo dadka iyo xoolahoodu ka nabad galeeen?

Su.aalahasi waa su’aalo culimadeena khayr illahay ha siiyee markasta inoo sheegaan kuna soo celceliyaan xajka markuu soo dhawyahay.

Waxaan maanta jeclaystay inaan idiin soo bandhigno sheeko uu ka sheekeeyay mid kamida xukuumadii daahir riyaale wasiir ku xigeena ahaa ….

Masuulkaa oonan jeceleyn inan magaciisa xuso waxaa ay udhacdey sheekadii

Maalin maalmaha kamida ayuu anagoo daahir riyaale la fadhina ayaa waxaa noo yimi qaar kamid mujaahidiintii SNM, waxay yidhaahdeen madaxweyne naga bixi xajka xiligu sheegayaa waa xiliyada xajku so dhawaado sida xiligan oo kale.

kadibna Mujaahidiintaa oo aan iswada naqaaney waa siduu hadalka udhigayee ayaan anigu usoo jeediyey madaxweynuhu xoolo dadweynuu hayaaye miyaad dadkale oo xoolo ay leeyihiin haya weydiisataan(sida Tijaarta).

Wasiirkii waxaa uu yidhi waxaan ugu darey sheekadan:-

Waxaan ku idhi mujaahidiintii aniga iyo wasiir hebel (afar wasiir baan usheegay magacooda iyo Afar xildhibaan oo goloha guurtida ku jira oo wada caana)

intayadaa ayaa xajkii hore tagney markii aan joogno maka oo xajkii aan la bilaabin ayaa waxaa ku biirney groupka ay kaxeeyaan culimada sheekh dirir iyo sheekh maxamed aadan .

Galinka danbe waxay noo jeediyaan maxaadarooyin iyo waajibaadka xajka iyo waxaa nalooga baahan yahay inaan sameyno

Waxaa Timi su’aashii ahayd Xoolo nooceeya ayaan ku soo xaji karaa?

Sheekh dirir ayaa ka jawaboo waxaa uu yidhi xoolo aad hubto inay xalaal yihiin ayuunbaa lagaga aqbali karaa xajkaaga.

waxaa uu raaciyey xoolo dadweyne kuma soo xaji kartid , waliba waxaa uu sii raaciyey haduu nin madax ama madaxweyne kaa soo bixiyey lacagtaas uu dadweynaha uhayey lama ogala xajkaasna waa waxba kama jiraan

xoolaha dadweynaha lagama xaji karo-

Nimankii wasiirada ahaa iyo xildhibaanadayadii hoostaan iska eegnay waanan wada naxney intaas markuu ka dhawaajiyey sheekh dirir.

Maanta ma  tirsanayo inaan xajkaa iga ansaxay waayo waxaan ku tagey xoolo aan leeyahay oon hubo maaha .

 

Wasiirkii waxaa uu yidhi :- Mujaahidiintii way qanceen waaney garowsadeen.

 

Sheekadan waxaa iiga sheekeeyay wasiirka laftigiisa

waxaanan ka cudurdaaranayaa inaan xusi karin magacyada dadka anagoo xuquuqda magacyadooda dhawrayna..

 

Beraberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews