berberatoday.com
Wasiir Samsam Cabdi Aadan Oo Ka Maroora Dilaacday Xaqul Qalinkii Oo Dib Loo Dhigay Tan Iyo Inta Ay Doorashadu Dhacayso
September 6, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Dubai,(Berberatoday.com)- Wasiirka maaliyada oo ku hungowday in ay soo qaado lacagtii xaqul qalimka ee ay bixinlahayd shirkada DPWorld, wasiirad Samsam Cabdi Adan ayaa muraara dilaac ka qaaday markii ay shirkada DPWorld diiday in ay lacagta xaqul qalimka bixiso xiligani ay waftiga ay wasiiradu ka

Dubai,(Xogreebnews)- Wasiirka maaliyada oo ku hungowday in ay soo qaado lacagtii xaqul qalimka ee ay bixinlahayd shirkada DPWorld, wasiirad Samsam Cabdi Adan ayaa muraara dilaac ka qaaday markii ay shirkada DPWorld diiday in ay lacagta xaqul qalimka bixiso xiligani ay waftiga ay wasiiradu ka midka tahay ay ku suganyihiin magaalada Dubai, oo ay qorshaysatay in ay lacagtani qaado.

Shirkada DPWorld ayaa ku adkaystay in lacagtani ay bixin doonto doorashada kadib, arintaasi oo ay waftiga xaga Somaliland ka socdaa ay ka biyo diideen isla markaasina ay sheegeen in uu heshiiskaasi bur buri doono hadii aan lacgtaasi lagu wareejin xukumadda hada haysa.

Doodo dhaadheer oo dhex maray labada garab ayaa aakhirkii waxa la isla qaatay in lacagta xaqul qalimka xukumadda Siilaanyo lagu wareejin doono dhowr billd ka dib arintaasi oo qaadan karta in ka badan oo sanad.

Wasiirada maaliyada ayaa faraha kula jirta musuq maasuq iyo qaraabo kiil iyada oo qandaraasyo sharci daro ah oo aan loo tartamin ku tistay walaalkeed Mr Xaaji iyo rag kale oo ay qaraabo yiin oo ganacsato ah, waxna hubaal ah in ay hada miiska u saaranyihiin qandaraasyo cidasi ka badan oo hab qabiilaysan ku baxi doona.

Isku soo wada duuboo heshiiskani ay soo galeen waftiga uu Siilaanyo u dirsaday heshiiskaasi ayaan wax guula ah halkaasi kala soo laaban iyada oo heshiiskaasi uu noqday mid laga duway sidii dadka loogu sheegay, waxana xaqiq noqotay in heshiiskaasi ay qayb ka tahay dawlada Itoobiya oo iyadu saamigeeda u daba fadhiisanysa shirkada DPWorld, waxana loo qoondeeyay dalkaasi 15%, inkasta oo dhowrkii maalmood ee ugu horeeyay ee wada hadalada ay ka gows adaygeen waftiga Somaliland hadana markii danbe waxa ay aqbaleen gacantaasi sadexaad oo guuldaro ku aha qaranimada Somaliland

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews