berberatoday.com
Abaalka Ogaada Inuu Yahayba”Qalinkii Abdulahi Nur Colombo
September 9, 2016 - Written by Berbera Today

Sida la wariyo xilligii dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ay ka talinaysay Soomaaliya goobaha shaqo ee aadka loo hiigsan jiray waxa ka mid ahayd warshadii Sibidhka ama Shamiintada ee Berbera dheefteeda dhaqaale awgeed.

Hadaba nin aanan magaciisa saxaynin waqti uu maareeye ka ahaa ayaa isaga oo maalin gaari ama baabuur qurxoon wata oo Magaalada Hargeysa dhextaagan ayey gabari soo istaagtay daaqada markaasey waxay ku tiri sidan:

“masuul waxaan kaa codsanayaa in dhismayaasha laga wado goob Heblaayo aad ninka maamulaya iigu sheegto inuu bacaha sibidhka ama shamiintada laga shubo uu i siiyo si aan guri Buul ah ugu dhisto dhawr jeer way ii diideene” dabeedna waxuu ku yiri Haye u tag barri.

Inta ayna barridii ama maalintii gaarin ayuu isla ninkii dhismaha ka masuulka ahaa uu la kulmay maareeyihii warshadu waxaanu ku yiri gabar ayaa barri kuu iman doonta marka ay kuu sheegato muraadkeeda meesha ay Buulka ka dhisan lahayd saddex qol uga dhis anigana lacagtooda i weydii.

Sidii ayuu sameeyey gabadhii oo gurigii degan ayey dagaaladii dhaceen dad badana waxay si uun dalalka qurbaha u baxeen bilawgii dagaaladaba.

Maamulihii warshadu waxa uu ka mid ahaa dad ay waqti ku qaadatay inuu dibadda u baxo sannado ka dib ayuu dalka Sweden galay waxaana uu noqday Qaxooti horena wuu ula qabsan waayey noloshii Sweden.

Maalin isaga oo maraaya meel jid ama wado ah ayaa waxaa baabuur istaajisay Haweenay inta ay salaantay kana soo booday baabuurkii ayey madaxa ka dhunkatay waxayna tiri”Adeer iska waran miyaad i garanaysaa? Maya ayuu ku yiri ,markaasi ayey uga sheekaysay in ay tahay haweenaydii suuqa Hargeysa bacaha ku weydiisatay ee uu guriga u gartay ama u dhisey.Waxay u sheegtay inay sannadoba halkan/sweden joogtay hadana ay caawiso hay’ad ka shaqaysa arrimaha qaxootiga.

Haweeneydii xaflad ayey u qabatay soomaalidii ayeyna wada casuuntay ama marti qaadey intii ay helaysay xaflada kalliya waxay kaga hadlaysay dareenkeeda maalinkii loo sheegay in guri nimaan garanaynin uu u dhisaayo dabeedna Soomaalidiina waxay u ururiyeen ninkii lacag abaal gud ah.

 

Abdulahi Nur Colombo
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews