berberatoday.com
Mid Ka Mid Ah Magafeyaashii Waalidka Ubadkoodu Tahriibaan Telefoonnada Ku Waydiin Jiray Madax-furashada Oo La Qabtay, Magaciisa Iyo Dalkuu U Dhashay
September 29, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa Loo Haystaa Tahriibinta Dadka Iyo Inuu Dadka Mastaafurka ah Kula kici jiray falal xun-xun oo ay kamid yihiin Kufsiga Gabdhaha iyo jidh-dil ilaa heer dhimasho gaadhsiisan.

 

Milano(Berberatoday.com)-Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga waxa lagu qabtay Nin Soomaali ah oo ka mid ah Kooxaha Dadka Tahriibaya u kala gudbiya Dalalka Bariga Afrika, Liibiya illaa Talyaaniga.

Sida ay xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee deggen Magaalada Milano, Booliska Talyaaniga ayaa Habeen hore gacanta ku dhigay Ninkan Magafeyaasha Dadka Tahriibiya ka tirsanaan jiray oo dhalashadiisu ay tahay Soomaali, magaciisana la yidhaahdo Ismaaciil Ma-gafe.

Ismaaciil Ma-gafe ayaa waxa intii aanay Boolisku qaban waxa  ku war-geliyey qaar kamid ah Dadka Soomaalida ee magaaladaas deggen oo uu dhibaato badan ugu geystay Dalka Liibiya oo isaga saldhigiisu ahaa, kuwaasoo markii uu magaalada Milano ku arkeen qabtay isla-markaana ku wareejiyey Booliiska.

Cabdiqani Cismaan oo ka mid ah Soomaalida Deggan Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in Ninka la qabtay uu ka mid ahaa Kooxaha dadka Tahriibayaasha ah ku xidhan jiray Liibiya isla-markaana madax-furashada waydiin jiray Waalidiinta Ubadkooda ay qabsadaan, waxaanu la shaqeysan jiray Kooxo kale oo Liibiyaan iyo Afrikaan kale isugu jira.

Dad ka badan 150 Qof oo deggen Talyaaniga ayaa qayb ka ah eedda loo haysto Ninkan, waxaanay sheegeen inuu kula kici jiray falal xun-xun oo ay kamid yihiin Kufsiga Gabdhaha iyo jidh-dil ilaa heer dhimasho gaadhsiisan.

“Dawladda Talyaanigu horay u haysay Macluumaadkiisii, markii aanu qabanayna waxa la soo saaray Macluumaadkii laga hayey”ayuu yidhi  Cabdiqani Cismaan Guray oo la hadlay Shabakadda Wararka ee Berberatoday.com, waxaanu intaa ku daray, “Walaahi aadbaan ugu faraxsanahaymar haddii Ninkii umadda Soomaaliyeed dhibaatada intaa le’eeg baday gacanta lagu hayo.”

Ninkan ayaa xaruntiisu ahayd Xeryo ku yaalla dalka Libiya, “Wuxuu ahaa Ninka u dhaxayn jiray Waalidiinta  Soomaalida iyo Liibiyaanka  ee lacagta loo soo diri jiray, wuxuu haystay laba xero oo midkood Magaceedu yahay Wilig-wiliig” ayuu intaas ku daray Cabdiqani.

Dawladda Talyaaniga ayaa hore u soo bandhigay Nin kale oo ka tirsnaa kooxaha Dadka Tahriibiya oo ay qabatay, kaasoo ay sheegtay in Maxkamad la saari doono.

Dhanka kale, Dawladda Somaliland oo ka hadashay Qorshaha uga meel yaalla ka hor-tagidda Aafada Tahriibka, ayaa sheegtay inay arrintaasi ka wada shaqeeyaan Dalalka deriska ah, “Sidii Masiibada Tahriibka looga Hor-tagi lahaa Xukuumaddu waxay qaaday Tallaabooyin badan, Xidhiidho badan ayay la samaysay Waddamada deriska ah. Waxaanu samaynay wacyi-gelin badan, iyadoo Warbaahinta Qarankuna ay Arrintaa Tahriibka Mowduucyo kala duwan ku soo qaataan.” Ayuu yidhi, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Kayser Cabdillaahi Maxamed, waxaanu intaa ku daray, “Dhallinyaradu waa inay ogsoonaadaan in xalku aanu ahayn inay Tahriibaan oo ay Naftooda dilaan.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews