berberatoday.com
Xisbiga Kulmiye Oo Soo Dhaweeyay Gabadh Ay Sheegeen In Lagu Yasey Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani
October 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Garabka haweenwaynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa xaflad soo dhaweyn ah u qabtay Marwo Nimco Cabdi Siciid Aw Cali oo ka mid ahayd Waaxda Xuquuqal-insaanka ee xisbiga WADDANI, kaas oo ay sheegtay in lagu yasay.
Xaflad lagu qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen Guddoomiyaha iyo ku-geenka Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga Marwo Canab Cumar Ileeye, masuuliyiinta waaxyaha iyo xaafadaha caasimadda Hargeysa iyo kaadirka iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga.
Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka KULMIYE Marwo Dalays Shire Faarax, Marwo Sitiin iyo Marwo Hodan oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon xisbiga, ayaa soo dhaweeyey xubinta ka soo digo-rogatay xisbiga WADDANI, waxaanay u xaqiijiyeen inay ku soo biirtay xisbi loo wada siman yahay oo uu qof waliba si xor ah fikirkiisa uga dhiibto.
Marwo Nimco Cabdi Siciid oo ah xubinta cusub ee ku soo biirtay xisbiga KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay xisbiga WADDANI kala kulantay faquuq, isla markaana aanay jirin wax kala dambayn ah oo xisbigaas ka jirtaa, waxaanay tidhi, “Anigu muddo labo sanno iyo badh ah baan ku jirey xisbiga WADDNI, markii aan arkay inaanu kala horrayn iyo kala dambaynba lahayn, anigaana iska imi oo go’aanka kaga soo baxay, markii aan arkay inaan hoos la isu eegaynin, dumarka WADDANI aniga aad bay ii yaseen, si fiicana way ii soo dhaweyn waayeen, xisbiga WADDANI qabyaalad mooyaane wax kale oo uu leeyahay ma jirto.”
Agaasimaha Waaxda Samo-falka Madaxtooyada Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa iyaduna si weyn u soo dhaweysay xubinta cusub ee xisbiga ku soo biirtay, waxaanay sheegtay in si xushmad iyo karaamo leh ay haweenweynaha xisbiga KULMIYE ugu soo dhaweynayaan Marwo Nimco Cabdi Siciid oo si iskeeda ah uga soo baxday xisbigii ay hore ug tirsanaan jirtay ee WADDANI oo ay sheegtay in si weyn loogu yasay.
“Haweenka KULMIYE waa rukunka kowaad ee xisbigu ku taaganyahay, siddeedii sano ee aynu mucaaridka ahayn iyo intii aynu xukunka haynay midna ma garanayo gabadh kali ah oo xisbiga ka tagtay, xisbigeenuna waa xisbi ballaadhan oo hormoodkii dalku iminka iyo markii horeba hoggaaminayey,” ayey tidhi Aamina Maxamuud Diiriye.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye oo hadalka soo gunnaanaday xafladda, ayaa soo dhaweysay marwada cusub ee xisbiga kusoo biirtay, waxaanay sheegtay inay ka mid noqon doonto garbaha haweenka iyo dhallinyarada isugu jira ee uu xisbigaasi ku duulo, “Nimco waan soo dhaweynaynaa, haweenka xisbiguna waa xul, cidda xisbiga xisbi ka dhigtayna waa haween iyo dhallinyaro, xisbigeenuna waa inuu noqda mid ubadka soo socda ku abtirsadaan mustaqbalka,” ayey tidhi marwo Canab Cumar Ileeye.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews