berberatoday.com
Somaliland Awoodii Dalka oo ay Beelo Gaar ahi Cunaha Iskaga Duubeen, Akhriso Masuuliyiin Qabyaalad Cad Ku Kacay
August 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta ka soo jeeda beesha gudoomoyaha kulmiye ayaa baryahan dambe la soo baxay qorshayaal cusub oo ay ku dhantaalayaan qaranimadda  somaliland ku Caano maashay waxaanay Mas’uuliyiinta  beeshani geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay qaybaha kala duwan ee mansabyadda dalka ay kaligood u qaadan lahaayeen

top newswasiiradda beeraha, ganacsiga, maareeyaha wakaaladda iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beeshaas ayaa iyagu haayadaha ay haystaan ka dhigay goobo sida ay doonaan ugu takrifalaan

maareeyaha wakaaladda biyaha hargeysa ayaa isagu gabi ahaanba meesha ka saaray hanaanka dawladeed iyo cadaaladeed ee wakaaladda waxaanu mansabyadda wakaaladda u qaybiyay jufoyiinka hoose ee beeshiisa balse  beelaha kale ee hargeysa cidi kagama irto

wasiirka beeraha ayaa isaguna dhawaan eryay shaqaalihii wasaaradaas isagoo taas bedelkeeda suuqa ka soo qoranaya shaqaale beeshiisa ah

wasiirka ganacsiga ayaa isaguana bishii hore shaqaaalaysiiyay 25 shaqaale ah oo cusub kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeda beeshiisa

madaxwaynihii umaddan loo dhaariyay ayaan la garanayo sababta uu Mas’uuliyiintan talaabo uga qaadiwaayay maadaama oo uu isagu masuuliyaadan qaran u igmaday

balse waxa hubaala in hadiii beelaysiga xukuumadda ka socdaa sii socdo ay ku keeni doonto kacdoono waawayn oo dadwayne maadaama oo sinaanta iyo cadaaladdii dalku ka baxday faraha, islamarkaana beelaha gaar ahi ugu takrifalayaan mansabyadii qaranka

waxaana tusaale fiican inoogu filan kacdoonadda waawayn ee lagaga cabanayo cadaalad daradda ee ka socda dalalka dariska ah

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews