berberatoday.com
“Maxamud Xaashi Waxa Aanu Unaqaanaa Hogaamiyaha Beenta Qarniga Ee Mushkilada Ku Ah Qaranka Somaliland Iyo Gudoomiyaha Gudida Colaada Habar Jeclo”Afhayeenka Dhalinyarada Beesha Muuse Abokor
September 10, 2016 - Written by Berbera Today

beelCeerigaabo(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo waxgaradka beesha Biciide ee Muuse Abokor ee Gobolka Sanaag, ayaa ku eeddeeyay Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi inuu ka dambeeyay dagaalka labada beelood ee walaalaha ee dagaalka sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ku dhex-maray deegaanka Darar-weyne ee Sanaag, isla markaana Guddoomiyaha Garabka dhalinyarada Muuse Abokor oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta keentay dagaalkaas, isagoo baaqna u diray Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Geesta kale, Guddoomiyaha Degmadda Bali-dhiig Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mr Jamaal Cabdiraxmaan Axmed Food oo qoraal warsaxaafadeed ah soo gaadhsiiyey shabakada warbaahinta oonlinka ah ee Somaliland ayaa sheegay in colaada ka aloosan gobolka sanaag ee u dhaxaysa labada beelood ee walaala ah ay ka dambayso siyaasad uu dabada ka riixayo xisbiga Kulmiye iyo Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxaanuu u dhignaa warsaxaafadeedkiisu sidan:- “Waxaan Leeyahay Dagaalkan markale ka qarxay degmadda Darar-weyne iyo deegaanka Dogoble, waxa ka dambeeya Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi. Ina Xaashoow Waxaad isku diraysaa waa Abtigaa iyo Inaadeerkaa, Waanad is-ogeyne gurigaagii ayaad qori dableh ku hurinaysaa. Adiga waxay kuula muuqataa wax fiican ee adiga ayey kugu dambayn doontaa, waana kuu taariikh madow ee ogoow, waxaana arrinta lug ku leh xisbiga Kulmiye”.

Mr Jamaal, wuxuu carabka ku dhuftay sababihii loo badelay Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cade inay ka dambaysay walaalaynta iyo heshiisiintii uu ka dhex-dhaliyey labadan beelood ee walaalaha, taas-na uu Ina Xaashi aad uga xumaaday, kadib-na uu kasoo shaqeeyey sidii Waran cade loo badeli lahaa. Una sii bilaabi lahaa colaadan galabta ka qaraxday degmadda Darar-weyne ee Gobolka Sanaag, waxaanu uu yidhi “Waxaanu og-nahay isku shaandheyntii aad ka talisay ee lagu badelay Wasiir Waran-cade inay sabab u ahayd inaad dib u huriso colaada beelaha walaalaha ah ee Waran-cade heshiisiiyey. Bilowdaye bal waynu eegnaa waxaad ka hesho”.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews